The tension between Somalia and Ethiopia .

 

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya .

Xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa wali taagan iyadoo wadahadallada loo ballansan yahay wareeggii 3aad in dhawaan la isugu yimaado dalka Turkiga.

Khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yimid ka dib markii billowgii sanadkan ay Addis Ababa heshiis is af garad ah la saxiixatay Jamhuuriyada Somaliland, taas oo ay dowladda federalka Soomaaliya si weyn uga hortimid, muddo yar ka dibna ay heshiis amni iyo mid difaac la gashay dalka Masar.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay ka dib markii diyaarado ciidan oo ay leedahay dowladda Masar ay ka degeen magaalada Muqdisho sida ilo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters ay u sheegeen inay taageero militari geeyeen Muqdisho.

Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi amni xilli xiriirkoodu soo xooggaysanayey, khilaafka biyo xireenka Itoobiya ay dhistay ee Wabiga Niil.

Itoobiya ayaa si weyn ugu hortimid in ciidamado ka socda Masar ay yimaadaan dalka la deriska ah ka dib markii ay soo baxday in Masar ay doonayso in ay qayb ka noqoto dalalka Soomaaliya ciidamada u soo diraya marka uu dhamaado hawlgalka ATMIS.

Safarka ergayga Maraykanka ee Itoobiya

Magaalada Addis Ababa waxaa gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Ergayga Maraykanka ayaa kulan la qaatay wasiirka arrrimaha dibadda ee Itoobiya Taye Atske.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya, dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabada iyo xasilloonida gobolka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya ayey wasaaraddu sheegtay inuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya u baahan tahay in laga taxadaro ciidamada la geynayo Soomaaliya ka dib howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa waqtigiisu ku egyahay Dhammaadka sanadkan 2024, halka sida dowladda Soomaaliya sheegtayna la filayo in howlgalka cusub ee beddelaya kii hore uu bilaaban doono horraanta 2025ka.

Lama sheegin faahfaafin intaa dheer oo dhinacyadu ka wada hadleen balse ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika ayaa socdaalkiisa gobolka wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay xiisadi ka dhex-taagan tahay labada dal ee deriska ah  Soomaaliya iyo Itoobiya.

Maxamed Mukhtaar oo ka mida wakaalada madaxa banaan ee BBC ayaa sheegay in Itoobiya ay doonayso inay "culayska gudaheeda ka jira dunida uga weeciso xiisadda somaliya " oo sida uu sheegay "ay iyadu abuurtay".

Mukhtaar, wuxuu sheegay in ujeedada ugu weyn ee ergayga Maraykanka ee Bariga Afrika uu u tagay Addis Ababa ay tahay sidii dowladda Itoobiya uu ugula hadli lahaa dhaqangalinta heshiiskii Pretoria ee dhexmaray Tigray iyo dowladda Itoobiya.

‘‘Waa dareemi kartaa Itoobiya waxay marwalba duraysaa xiriirka isku soo dhawaanshaha Masar iyo Soomaaliya kaasoo ay u aragto inuu iyada dhib ku yahay, taasna inay walwal ka qabto ma aysan qarin.”ayuu yiri Mukhtaar.

wariyaha BBc-da Mukhtaar, wuxuu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Itoobiya uu Maraykanka kala hadlay "wax aan ajandaha ugu jirin ergayga, uuna doonayo inuu mushaakilka dalkiisa ka dhex jira ku qariyo xurgufta kala dhaxaysa Soomaaliya".

Post a Comment

Previous Post Next Post