Hassan Sheikh traveled to Burundi.

 


Xasan sheekh ayaa u safray dalka buruundi.

madaxweynaha somali xasan sheekh ito wafti uu hogaaminayo ayaa 

tagay safar shalay dalka buruundi xili ay hire ugu sugnaayeen dalka 

uganda, waxaanu casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa buruundi oo si weyn

loogu soo dhaweeyey waxayna ka wada hadleen xasan sheekh iyo dhigiisa 

buruundi arimo muhiima.


kulanka waxa diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka iyo

iskaashiga labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada oo 

haadan ka socda qaybo badan dalka ka mida oo ay dawladu di ubilawday.


xasan sheekh ayaa uga mahad celiyay dhigiisa buruundi tageerida uu la garab

taagan yahay dawlada fedaraalka somaliya.


dhinaca kale madaxweynaha buruundi ayaa amaanay guulaha ay somaliya ka gaadhay 

dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo ku biirista ururka bulshada bariga africa

sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dadaalkii horseeday in somali laga qaado cunu-qabatayntii

dhanka hubka ahaa ee saarnaa,iyo waliba inay hesho kursi joogtada ah ee qaramada 

midoobay ee africa.



safarka madaxweynuhu waxa uu ka mid noqon doonaa safaro badan oo ku aadi doona wadamada

dibada waxaana la sheegay in ay ujeedada uweyni ay tahay qorshaha isbedelka howlaha nabad 

ilaalinta midawga africa maadaama 31-dec ee sanadkan laga rabo somaliya in ay hesho ciidamo

cusub oo bedala ciidamada ATMIS oo la shaqayn doona ciidanka dalka. 

Post a Comment

Previous Post Next Post