vector lusting the king of robber.

 



sheekada tuugii ugu caqliga badnaa.

waxa aynu halkan kaga warami doonaa mid kamida tuugadii ugu aqliga badnayd ee somarta dunida kaasi oo dadka ushaaciyey in aanay isdaba marintu ahayn shay la barto ee uu yahay fan lagu dhasho.

waxaanu ahaa tuug aanay arnaa taariikhdu iloobi doonin isaga oo iibiyey goob taariikhi ah  in kabadan saddex mar waxaana lo dhan jirey tuugan aliga badnaa vector lusting mana sheegi karno in 

magacani yahay magaciisa dhabta aha sababta oo ah waxa uu isticmaalay in ka badan 40 magac.

vector waxa uu dhashay sanadii 1890kii isaga oo ku dhashay magalo ku tala check republic, tuugani waxa uu ku labisan jirey dharka kuwooda ugu qaalisan iyo sidoo kale cadarada ugu qaalisan

tuuganimada uu sameeyey waxa kamida inuu dadka usoo bandhigay sanduuq yar oo lacagta daabacaya oo sacadiiba soo saaraya $100 markiiba dadkii damaca badnaa ayaa ukala dheereeyey si ay uhelaan

waxaanu xabadii sanduuqa ahaydba iibiyey lacag dhan $30,000 in yar ka bacdi dadkii waxay garawsadeen in sanduuqan shayga wax daabacaya ee gudaha ku jiraa yahay printer wax waraaqaha daabaca oo

kaliya, sidoo kale sanduuq kastana wuxuu ku ridaysanduuqa sanduuq kale oo yar oo ay kiu jiraan xajmi yar lacaga oo markiiba dhamaanaya , waxayna dadkii iibsaday ku baraarugeen in ay ku dhaceen 

dabinka mid kamida xeeladaha ugu doqoniimada badan ee dad lagu khiyaameeyo.

mana aysan jirin khiyaamada ku dhacday dadkan midkoodna inuu ugu waramo booliska sababta oo ah waa kee doqonka is fashilinaya inuu yahay doqon oo lagu dhacay printer wax daabaca looga dhigay mid lacag run ah dhalaya.

halkan kamay iman caanimada uu noqday balse waxay ka timid markii uu isku dayey in uu iibiyo taawarka dheer ee magalada baariis  ee dalka faransiiska ee loo yaaan { eva tower } ,waxayna dhacday markii

uu dhamaaday dagaalkii 1aad ee dunida oo uu dalkuna ku jirey dhibaato dhaqaale oo aan wanaagsanayn waxayna ku ahayd ceeb inuu awoodi waayo inay bixiyaan lacagta sanad walba lagu dayactiro taawarka 

markaasi ayey kusoo dhacday fikirkan waalida ahi isaga oo iska dhiagy siyaasib oo weyn oo kasocda wasaaradii arinta tawaarka ku shaqo lahayd waxaanu samaystay ID kaadhyo been abuura , waxaanu iskugu 

yeedhay kulan sira 6 kamida ganacasadayashii birtaiyo xadiidka ka ganacsan jirey oo uu kula kulmay hotel la yidhaahdo kirilon ,waxaanu markasta  ku qancinayey in ay dawladu awoodi wayday lacagta 

sanad walba magu dayactirayo isla markaana ay gabi ahaanba ay burburinayso lacagta lagu iibiyana ay dawladu ku qabanayso shaqooyin ay intifaacsadaan dadku taasina ay ka fogaynayso ceebtii ay

dawladu ku wajahaysay dayactirkiisa awgii.waxaana markiiba dabinkiisa ku dhacay ganacsade da'yaroo layidhaahdo andari oo lacag badan haystay kaasi oo door biday in uu magac ka sameeyo iibsashada taawarkan waxaanu markiiba

fikradii la wadaagay vector kaasi oo kaga iibiyey lacag dhan $50,000 ,

markii uu vector lacagta gacanta ku dhigay waxa uu islamarkiiba uduulay magaalada veina ee dalka ustria isaga oo wada boorso ay lacagi ka buuxdo waxaanu ogaa in aanu andarila wadaagi karin booliska si aan loogu maadaysan

tii ayaana dhacday lam uu san wadaagin ninkii uu dhacay booliska.

vectorna muusan ahayn nin ku dhuumanaya magaaladaasi balse mudo yar ka dib waxa uu kusoo noqday magaalada baariis isaga oo mar kale beegsanaya ganacsato kale si uu mar labaad uga iibiyo isla taawarkii

balse inta aanu dhamaan heshiiskii taawarku ayey ganacsatadani booliska la wadaageen arinkii balse boolisku gacanta kuma aysan soo dhigin vector oo isla markiiba wa uu ka  cararay magaalada.

vector kuma uu eegayn inuu geliya dadka maalqabeenka ah dhaco balse waxuu isku dayey inuu heshiis la galo mid kamida shaqsiyaadka maamula maafiyada aduunka oo ahaa al-chapo gusman isaga oo usoo 

bandhigay inuu ku maalgashado warshada, balse vector waxa uu ogaa inuu ninkani aanu caadi ahayn oo uu naftiisa khadar galin karo sidaa awgeed lacagtii waa uu iskaga soo celiyey isaga oo usheegay 

in ay fashilantay warshadii uu samaynayey.

sanadii 1934tii ayey ahayd markii uu dhamaatay hawlihii tuuganimo ee uu hayey vector wana markii ay ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen intii aan la maxkamadayn ayuu awooday inuu xabsiga ka

baxsado, mudo kadib eyey mar labaad bioolisku gacanta ku dhigeen isaga oo wada hawlo scaming iyo fake ah, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xadhiga oo uu ku dhex qaadanayo xabsigii loo yaqaanay 

al-catraas.

markii uu 13 sano ku jirey xabsigaa oo ku beegan sanadii 1974kii ayaa uu ku dhex geeriyooday xabsigii uu ku jirey waxaanu ugeeriyooday c\xanuun kaga dhacay sambabada .

halkaasi ayeyna kusoo dhamaatay sheekadii mid kamida tuugadii ugu aqliga badnayd ee soomara dunidan...


Post a Comment

Previous Post Next Post