fantastic story.

  


sheeko qosal badan

waxa jirtay sheeko aad uqosal badan oo kusaabsan qaadka iyo cunistiisa waxaan jeclaystay inaan la wadaago cidkasta 

oo aragta maqaalakaygan.

bari aan sidaa usii fogayn waxa magaalada hargaysa ka dhacday sheeko ku saabsan wiil hore oo qaadka cuni jiray, 

wiilkii waxa uu udhoofay dalka dibadiisa waxaanu ku maqnaa mudo dhawr sano ah halkasi oo kusoo ilaabay mirqaankii

markii hadaba kusoo laabtay magaaladii hargaysa ayaa madaarka waxaa kusoo dhaweeyey asxaabtiisii , waxaanay isku 

soo wada raaceen guri uu lahaa nin ay saaxiibo yihiin,ninkii dibada ka yimid oo halkaasi lagu casuumay laguna maamuusay.

hadaba dadka reer hargaysi waxa ay caado u leeyihiin in hadii duco loo sameeyo aan qaadna laga reebin markaasi ayuu ninkii

dibada ka yimid yidhi " waar ordoo qaadna noo doona ".

markii qaadkii lasoo qaaday ee si wada jira loo wada mirqaamay ayaa ninkii dibadaha ka yimid een dhawrka sannaba arag wax

qaada aad umirqaamay ( xadhkaha goostay ) , intaa ka bacdi waa uu kululaaday waxaanu doonay inuu soo maydho balse gurigan uu 

saxiibkii lahaa suuligu daarada dambe ee guriga ayuu ku yaalay .

daarada horteedana waxa fadhiya ninka guriga iska leh xaaskiisa iyo hablahoodii oo dhar farabadan intay maydheen ku feeraynaya (kaawiyadaynaya)

inta uu ninkii dhaafay ayaa buu suuliga galay kabacdina kusoo maydhay intaa ka dib waxa uu soo baxay isaga oo qaawan oo aan wax 

dhar ah qabin ( xidhnayn ).

dumarkii ayaa ka fajacay oo layaabay ninkan qaawanida kusoo baxay , 

ninkiina iskama uu dareemine si toosa ayuu udhaafay dumarkii oo u aaday qolkii ay fadhiyeen ee ay ragga kalena ku mirqaamayeen 

markii uu galay ayey ragii layaabeen ninkan qaawan ee usoo galay ka dibna waxay waydiiyeen dharkii uu xidhnaa halka uu kusoo bixiyey.

markiiba waxa uu xaqiiqsaday in uu suuliga kaga yimid ,suuligii ayaanu ku laabtay waxaanu sii dhaafay hablihii balse intaanu dhaafin ayaa

inta uu ishortaagay ku yidhi " raali ahaada hablo aniga oo qaawan ayaan idin hormaraye ".

balse ilaa hada waa uu qaawanaa..

akhriste hadii aad jeceshay sheekooyin iyo kuwa ka xiiso badan ku xidhnow website-keenan samawade news uguna kaalay

wararkii udambeeyey ee somalida iyo ciyaaraha iyo waliba sheekooyin ku raali geliya.

Post a Comment

Previous Post Next Post