joma kenya airport workers strike.

  


shaqo joojinta shaqaalaha madaarkajoma kenyata  

Hawshii garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Joma Kenyatta ee Kenya ayaa hakad galay iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen 

shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka india. kumanaan rakaab ah 

ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika ah. Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin

 aan la cayimin ka dib markii ay dawladdu ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa diiday soo jeedintaasi, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka

 baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah si loo kordhiyo tayadiisa.

Subaxnimadii Arbacada, tiro da ah oo ka mid ah shaqaalaha madaarka ayaa yeerinayey turumbooyin caag ah waxayna ku dhawaaqayeen 

" Shirkadda cadaanku ha baxdo", sida laga soo xigtay muuqaal lagu soo bandhigay baahinta wararka maxaliga ah ee ka hawl-gala dalkaasi .

Muuqaalka ayaa sidoo kale u muuqday mid muujinayo askari booliis ah oo budad ku garaacaya dibad baxayaasha.

 Duulimaadyada saaka baaqday waxa ka mid ah duulimaad ay shirkada diyaaradda 

ee Primer Airlines ku tagi laheyd Muqdisho, Hargeysa iyo Juba koonfurta Sudan. Haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa 

warbaahinta uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegya in xaalku uu yahay mid cakiran , waxa uu sheegay in saameyn ay ku yeelatay shaqo 

oojjoojinta shaqaallaha duulistu ay sameeyeen, seddex duulimaad oo saakay ka baaqday shirkadiisa, mid aadi lahayd Muqdisho iyo Hargeysa, mid

muqdisho kasoo bixi lahayd iyo dulimaad kale oo aadi lahaa Jubba South Sudan.

Haashim waxa uu sheegy in anaayn kusii talagelin, horreyna aan loo ogeysiin shaqa joojintan.

Shaqo joojinta ayaa bilaabatay xili dambe oo habeenimo ah. “Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa xalay saqdii dhexe taagnaa garoonka

 kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan”. Shir ayaa socda waxa aan rajeeyneynaa in xaaladdu ay caadi kusoo laabatao 

ilaa caawa si aan duulimaada birri dib ugu bilaawno ayu intaasi ku daray Haashim.

Kooxda kubbadda cagta ragga ee Zimbabwe ayaa sidoo kale ku xayiran garoonka.

Kooxdan ayaa u duulay magaalada Nairobi kaddib ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika oo ka dhacday dalka Uganda, balse

 wax war ah lagama siin duulimaadkooda magaalada Harare, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal diiday in magaciisa la sheego.

Xasan AshkirWarsame waxaa uu ka mid ahaa dadka soomaalida ah ee garoonka xalay tagay ee ilaa iyo hadda ku xaniban halkaas, isagoo u socday dalka Ingiriiksa.

“safarkeygu waxa uu ahaa in aan baxo Saakay 4:11 daqiiqo , waxayna ahayd diyaardda Turkish Airlines oo sii mareysay Istanbul kaddibna i geyn 

lahayd Manchester” ayuu sheegay Hashim, oo intaas ku daray in uu garoonka tagay 11:30 Habeenimo laakin markii uu garoonka tagay in la bilaabay in garoonka la xiro oo la yiraa qofkii ka bixi waayo waa lagu xirayaa garoonka.

Waqtigaas dad badan ayaa joogay garoonka, qaarkood waa ay diideen in ay ka baxaan garoonka, qaarkooda waa ay kasoo baxeen , waxa sidoo kale

la xiray garoonka gudahiisa iydoo loo diiday in dadka banaanka ka imaanay ay soo galaan halka kuwii gudaha ku jirayna lagu xiray.

Waabarigii ayaa siliggii lagu xiray garoonka laga furay taas oo keentay in dadkii gudaha ku jiray ay guryahoodii aadaan.

Xasan Ashkir waxa uu sheegay in lagasoo bilaabo xalay 11: habeenimo ilaa saakay uu isagu weli jogo garoonka oo sugayo duulimaadkiisii Turkish Air

lines oo u socotay Manchester dalka Ingiriiksa. “Wax Macluumaad ah oo ku saabsan diyaaradda ma heleysid , kaliya waxa meesha joogo ragg ilaalo

ah iyo rag mudaaharraadayo oo qeylinaya oo leh garoonka diyaaradd ka baxayso ma jirto, xitaa maqaayadii Java ee ku tiil qeybta socdaalka ee 

garoonka waa la xiray laakin waxa dib loo furay maqaayadda 01:00 duhirnimo ayuu intaasi ku daray.


Post a Comment

Previous Post Next Post