The tension between Ethiopia and Egypt

  



xiisada ka dhex-taagan itoobiya iyo masar.

Wasaaradda arimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa warqad u dirtay golaha ammaanka qaramada midoobay waxa ayna uga codsanaysay in golaha ay ka hadlaan  hanjabaadaha dalka masar u jeedineyso Itoobiya, taas oo ka hor imaaneysa axdiga golaha amaanka qaramada midoobay safiir Taye Atzik-Salase, waxa uu dalka Masar ka codsaday in ay ka tanaasulaan  mowqifkooda macangagnimada ah iyo dalabaadkooda aan macquulka ahayn eek u saabsan dhismaha iyo ka shaqaynta biyo xireenka Renaissance iyo sidoo kale in loo hogaansamo mabaadiida caalamiga ah si looga horatago masiibooyinka iman kara .

WarqadDaan ayudirtay ittobiya  Golaha Ammaanka, ayaa ku soo beegmaysa xilli ay maalmo ka hor ay Masar iyana dirtay warqad kaga hadlaysa arintan.
markii wasiirka arimaha dibadda iyo waraabka Masar, Dr. Badare Abdulati, uu warqad u diray madaxweynaha Golaha Ammaanka, waxa uuna sheegay in Masar ay xaq u leedahay in ay qaaddo tallaabooyin lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo ammaankeeda biyaha.

Isla warqaddaas ayuu wasiirku ku sheegay in Masar aanay si buuxda u aqbali doonin siyaasadda go’doominta ee Itoobiya ee biyo xireenka Renaissance, 
waxaanu yidhi “Masar waxay diyaar u tahay inay qaado tallaabo kasta oo waafaqsan axdiga qaramada midoobay si ay u ilaaliso jiritaankeeda iyo
 ilaalinta danaha dadkeeda. "
Itoobiya iyo masar ayaa warqado u qoray Golaha Ammaanka iyagoo midba midka kale uu eedeynayo waxa ayna ku soo 
aadday ka dib markii sida ay warbaahinta qaar tebiyeen diyaarado ciidan oo Qaahira ka yimid ay ka dageen Muqdisho waxaana sii korortay xiisadda
udhaxaysa labadooda dal.

Kadib heshiiskii milatari ee ay dhawaan wada gaareen somalia iyo Masar ayaa ciidamadeeda soo dhoobtay Soomaaliya.

Dhanka kale Danjire Taye ,ayaa isna warqad u qoray madaxweynaha golaha ammaanka sanadkii 2016, waxa uuna sheegay in uusan aqbalin eedeynta Masar ay u jeedisay Itoobiya.

Warqaddaas ayay Itoobiya ku muujisay mowqifkeeda ah in go’aanka ka faa’iidaysiga kheyraadka uu yahay mid ay maamulaan dalal, wixii khilaaf ah ee  yimaadana lagu xalliyo xiriirka labada
 dal ama urur-goboleedyada.

"Itoobiya, waxay doonaysaa inay si aan leexleexad lahayn u xaqiijiso in isticmaalka biyaha Masar ama mashruuc kasta aanu wax saamayn ah ku 
yeelan doonin saamiga saxda ah, sharciga ah iyo saamiga ku habboon ee Itoobiya ee biyaha Niil”.

Danjire Taye ayaa xasuusiyay in markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu booqasho rasmi ah ku tagay Qaahira bishii july 2015, uu la gaaray 
Madaxweyne Cabdulfataax al-Sisi in la qabto wadahadal saddex geesood ah oo ku saabsan buuxinta biyaha iyo ka shaqeynta biyo xireenka.
Si kastaba ha ahaatee, "Itoobiya oo si buuxda ugu diyaargarowday inay sii waddo wada-xaajoodka;
 Masar waxay ku dhawaaqday inay ka baxday wada xaajoodkii saddex geesoodka ahaa," ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in Masar ay hareeyeen wada xaajoodyadii saddex geesoodka ahaa iyo in ay warqado isdaba joog ah u diraan golaha ammaanka ay tahay 
caqabad kale oo hortaagan dadaallada lagu doonayo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal.
Safiirka ayaa sheegay in Masar ay dooneyso inay si gaar ah u isticmaasho biyaha Niilka. Dhawaan Ra’iisul wasaaraha Masar ayaa yiri ‘Mashruuc 
kasta oo horumarineed oo dal kasta laga sameeyo waa in loo sameeyaa si aan waxba u dhimin ama aan la dhimin saamiga biyaha ee wabiga Niilka ee  Masar’ iyada oo lagu hagayo shuruuc gumaysi oo aanay dalalka kale ee dooxadu ku jirin ama aanay ku raacsanayn, ayuu danjire Taye u diray warqad.

Danjire Taye ayaa sheegay in Itoobiya ay muujinayso sida ay uga go'an tahay in la gaaro heshiis lagu heshiisiin karo cid walba, wuxuuna muujiyay  sida ay uga go'an tahay in la sii wado wadahadallada saddex geesoodka ah ee ay garwadeenka ka tahay midowga Afrika ama iyadoo la raacayo sharciga guud ee iskaashiga.
Bishii Diseembar 2016, wadahadallada ay Itoobiya, Masar iyo Suudaan wadeen dhowr sano oo ku saabsan dhismaha iyo  hawlgalka biyo xidheenka, Waxaa lagu xasuusan doonaa inuu kala diray oggolaansho la’aan.

Masar iyo Itoobiya waa ay awoodi waayeen in ay heshiis gaaraan, sababo la xiriira kala duwanaanshaha aasaasiga ah ee biyo xireenka. Labada dal  ayaa midba midka kale ku eedeeyay fashilka ku yimid wada xaajoodka.

Masar iyo Suudaan ayaa ku doodaya in heshiis dhab ah la gaaro ka hor inta aysan Itoobiya billaabin buuxinta biyo-xireenka weyn oo dhismihiisa  socday muddo 13 sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa biyo-xireenka ka dhigaysa in uu biyo xidho iyada oo aan la gaadhin heshiis dhab ah oo sheegaya in ay ka 
faa’iidaysato saamiga ay ku leedahay biyaha webiga Niil.


Post a Comment

Previous Post Next Post