Turkey is coming up with a new plan to mediate the regional conflict.

 




Turkiga ayaa la imanaya qorshe cusub oo uuu ku dhexdhexaadinayo khilaafka labada gobal.

waa markii uhoraysay ee uu turkigu la yimaado qorshe cusub oo ku dhex dhexaadinayo 

khilaaafka ka taagan labada dal ee in mudo ah shir heshiisiin ahi ugu socdo magaalada anchara

ee turkiga waxaanu doonayaa inuu markii uhoraysay usafro labada caasimadood ee 

muqdisho iyo adisababa, si khilaafkooda xal waara looga gaadho kulamo gaarana 

ula yeesho madaxda labada dal.

ka dib markii uu fashilmay wada xaajoodka labada dhinac wareegii 3aad wasiirka arimaha

dibada ee turkiga Hakan Fidan  oo ahaa dhexdhexaadiyaha koowaad ee wada xaajoodka 

oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay " turkigu dadaal ayuu ku bixinayaa in xal laga 

gaadho khilaafka udhaxeeya labada dal kahor intaan la iskugu yeedhin kulan ishorfadhi ah

si xal looga gaadho xiisada gobalka " waxa uu sidoo kale muujiyey rajo wanaagsan in ay

dhinacyadu xal ka gaadhaan xiisadooda waxaanu hoosta ka xariiqay in ay casharo ka barteen 

labadii wareeg ee hore ee kadhacay isla ankara taasina ay dhabada u xaadhi doonto in xal kaga 

dambaysa la gaadho waxa kla ee uu sheegay inuu turkgu badalay habkii wada xaajoodka ee uu

markii hore uwajahayey.

wasiirka arimaha turkiga ayaa kulamo gaar-gaara la yeelanaya madaxda labada dal si uu

uga soo bisleeyo qodabada heshiiska intaa kadib la iskugu keeni doono kulan fool kafoola

si loogu saxeexo heshiiska kama dambaysta ah si xal looga gaadho xiisada gobalka waxakle oo

uu warbaahinta usheegay markay ay soo dhamaadan wada xaajoodka uu midba gaarkiisa 

ula samaynayaa inuu isku keeni doono marka ay mawqifkoodu hal meel iskugu biyo shubtaan

si markaasi loogu dhawaaqo xalka kama dambaysta ee ka dhex taagan.

turkiga ayaa ilaa hada marti galiyey  labadii wareeg oo wada hadalo ah oo dhex maray labadan 

wadan ee dariska ku ah geeska afrika iyada oo ankari isku dayeysa in ay ka faa'idaysato 

xidhiidhka ay la leedahay labadan dal turkiga ayaana si weyn uga cararaya inuu fadeexad diblamaasiyadeed

kala kulmo arintan hadii uu ku guul daraysto heshiiska labadan wadan ee uu saxiibka la yahay,

madaxwaynaha turkiga  ayaa arintan si gaara ugu xilsaaray wasiirkiisa arimaha dibada ee hakaan fiidan

turkiga ayaa natiijada dib udhigay ka hor markii ay somalia istaagtay shuruud adag halka ay adis-ababina

ku adkaysatay in aanay ka laabanaynin is afgaradkii ay la gaadhay dawlada madaxbanaanida iskeed ugu

dhawaaqday ee somaliland kaasi oo ay muqdisho ku adkaysanayso in ay adis-ababi si badheedha 

ugu noqoto heshiiska somalia iyo itoobiya ayaa aad uxumaaday bishii june ee horaantii sanadkan

ka dib markii ay itoobiya heshiis la gashay dalka ay deriska yihiin ee somaliland oo ay uga kiraysanayso 

dhulbadeed dhan 20km oo iyaduna uga badalanayso in ay dal u aqoonsato hargaysa .


Post a Comment

Previous Post Next Post