short and fantastic story.

 


kaalay kaalayoo hadal iibso.

sheekadan aan jeclaystay inaan idin la wadaago jalaayaal waxa hal ku dhigeedu yahay kaalay kaalayoo hadal iibso, waxa jirey nin aad sabool u ah 

oo danyara oo shaqale ah waxaanu malin walba la cuntayn jirey ubadkiisa iyo reerkiisa waxa  uuna ahaa mid iloobay ka cunista cuntooyinka makhaayada 

suuqa ku yaal waxaanu cuntada usoo doonan jirey xaafadiisa.

maalin maalmaha ka mida ayey xaaaskiisii ku tiri xaaji maanta casuumad ayaanu leenahay oo xaafad heblaayo ayaa na casuuntay ee qadad markaad shaqada 

kasoo baxdo suuqa kasoo cuntee, markaasu ayaa buu ogolaaday inuu suuqa kasoo cunteeyo.

markii uu shaqadii kasoo rawaxay ayuu doonay inuu kasoo cunteeyo suuqa isaga oo meherada suuqa kusii socda ayaa buu arkay makhaayad cunto oo cusub isla

markaana ku taala jidka uu socday,intaa kadib makhayadii ayuu gudaha ugalay waxa ayna u eekayd makhaayadu mid cusub islamarkaana aad ayaa buu uga 

helay makhaayadan cusub ,ma uu hubsane kuraasta cidba ma fadhido oo kaligii ayaa fadhiya ,kuraasta meheradu waxay ahaayeen kuwaa aad uqurux badan isla markaana cusub, sidoo kale alaabta gudaha makhaayada taal ayaa 

aad usoo jiidatay.

islamarkiiba inamadii shaqaalaha ahaa ayaa mid kamidi dhankiisa usoo dhaqaaqay soona dhaweeyey dalabkiisan waydiiyey isaga oo isku faaninaya ninkii

mudalabka ahaa ayaa ku yidhi ninkii aad usoo dhawoow alaylahe waad ka xulatay makhaayadaha kale anaguna waxaa kuu balan qaadaynaa inaan si fiican 

kugu adeegno oo aad nagu qanactid ee magacaa ayuu ku yidhi ninkii oo layaaban ninkan warka ku wareeriyey ayaa yidhi " waar waxanoo hadala naga daa oo 

nasii wasalad hiliba iyo saxan bariisa".

mudalabkii ayaa ku yidhi eshcalaa dalab bariiska aad dalbatay aniga ayaa maydhay ,calina khudaarta ayuu jarjaray ,xuseen gaabanena waa uu kariyey,

ninkii oo aad ucadhaysan ayaa yidhi " waar nasii waxaanu kaa dalbanay ".

mudalabkii ayaa ku yidhi ukaadi hadag-dagine hilibkana aan kaga waramee waxaanu yidhi hilibka waxa googooyey faarax xuseena gaabanana sagaa si fiican 

ukariyey.

markaas ayaa ninkii oo aad u cadhaysani yidhi isaga oo la hadlaya inankii makhalka hayey " waar waa maxay meeshani ninkana hadlbuu nagu daldalayaa ee miyaad 

nasiisan cuntada aanu idinka dalbanay ",markaasi ayuu inankii makhal hayuhu ku yidhi "miyaanad boodhka meherada akhrisan",markaas ayaa inta uu ninkii

baxay eegay boodhkii isla markaana qoslay mise waxaaba ku qoran "kaalay kaalayoo iibso hadal " ....

Post a Comment

Previous Post Next Post