laba kala daran.

 



labo kala daran

Sheekadan la magac baxday labo kala daran ayaan jeclaystay inaan idin la wadaago.

sheekadani waxay ku bilaabanaysaa nin xoolo dhaqado ahaa oo malin maalmaha kamida 

ayaabuu doonay inuu magaalada usafro si uu usoo iibiye waxyaabaha ay reerkiisu

ubaahan yihiin sida cuntada ay ku noolaan laaayeen iyo huga ay xidhan lahaayeen

waxaanu soo kaxeeyey laba neef oo adhiya.

markii uu soo galay magaalada labadii neef galin hore ayaa laga iibsatay iyada 

oon gaadhin barqadii lacag fiicana way ujareen isla markiiba waxa uu fadhiistay 

isaga oo faraxsan maqaaxi udhawayd oo waxa uu ka iibsatay qaad iyo shaahba halkii ayaanu

doonay inuu ku cuno markii uu qorigii kowaad cunayba waa uu mirqaamay oo uu

doonay inuu la sheegaysto gabadhii makaayada haysatay oo uu islamarkiiba uga waramay 

arimihiisa shakhsiyadeed , gabadhu way shaqaysanaysaaye hadalkiibay ka guri wayday 

ileyn waa nin mirqaamay isna waxa uu noqday nin la cabudhiyey oo wayey cid uu la sheekayto.

cabaar markii uu fadhiyey aya waxa albaabka kasoo galay nin isna maanta oo dhan 

qaad raadis ku jirey oo aqaar yar oo uu soo helay meesha ku cun islahaa ,markiiba ninkii 

la cabudhiyey ayaa halkiisa udurqay si uu ula sheekaysto ileyn waa nin mirqaamaye.

isbararsho ka bacdi ninkii reer iyiga ahaa ayaa sheekadiisii bilaabay waxaanu ku bilaabay sidan

" beri anaga oo meel barwaaqo ah degan oo ay xooluhuna noo wanaagsan yihiin ayaa malin

maalmaha ka mida hal aan aad ujeclaa oo caano badnayd libaax dhagada kaga booday oo qoorta 

ka jabiyey balse muu calfan inuu cune ah waan karidnay,aniguna hashii ayaa habeenkii oo 

dhan iga dhex guuxaysay oon ilaabi waayey aroortii markii ay gaadhay ayaan intan tooray saddex

afle ah qaaday ayaan libaaxi u tagay oo keyn jiq ah hurdo goor barqo ah dhawr dhagax ayaan ku

tuuray si uu usoo kaco markii uu i arkay ayuu igu soo rooray aniguna intaan go' aan sitay gacanta

ku duubay ayaa markuu soo booday gacantii afka ugeliy intii aanu gacanta iga jabin ayaan tooraydii

aan sitay caloosha kaga soo riday halkii ayaanan ku diley".

ninkii kale ayaa isna bilaabay sheekadiisii waxaanu yidhi " aniga oo kasoo safray magaalo heblaayo

oo diyaarad soo raacnay ayaa mrkaanu marayno meel heblayo diyaaradii daruur adag ka hor timid oo ay 

mari waysay aniga iyo nin kale oo xoog wayn ayaa lanagu yidhi waar walaalayal intaad diyaarad ka 

dagtaan baalasha qabta oo riixa waanu isyara adkaynay oo diidnay balse dumarkii iyo caruurtii

ayaa nagu qayliyey oo markii dambe waa aanu dagnay oo intaan baalashii qabanay riixnay oo ilaa aanu 

dhaafinay daruurtii adkayd ee ay naga gashay,"ninkii reer baadiyaha ahaa ayaa ku yidhi oo idinku maxaad 

soo raacdeen waxaanu ugu jawaabay tii ka dambaysay ayaanu soo raacnay..kkkkkkkkk




hadiii aad jeceshahay sheekooyinkan oo kale ku xidhnow barteena Warmaal24 oo aad ka helaysid warar sugan iyo sheekooyin xiiso leh..

Post a Comment

Previous Post Next Post