waxa aynu ku hormari doonaa todobaadkan maxaa dunida ka soconaya
dunida waxaad u malaynaysaa in ay galayso marxalad hub-urursi ah
iyada ii ay hanjabaada u wayni noqotayisticmaalaka nuclear-ka .
taasi oo ka dhigaysa in la iskaga soo gudbay marxaladii la iskugu hanjabayey
gantaalada plastic-ada ah iyo weliba bomb gacmeedka.
nuclear-ku waa hub awood oo uu caalamku utartamo samaysankiisa sidoo kale inta
haysata hubkan wax gumaada waxay doonayaan in ay ahaadaan cida mar walba haysata
kuna goodin { hanjabaad } karta marka loo baahdo.
markaad eegto todobaadkan waxa uu ku bilowday iyada oo isbaahaysiga gashaan buurta
NATO ay dhoola tus balaadhan ka samaynayso wadamo badan waliba dhoola tus nuclear ah
tan iyo isniintii.
ruushka ayaa isna bilaabay dhoola tuskiisa waliba si gaar ahaaneed hubka tactic-ada ah,
in kabadan 20,000 oo ciidanka milatery-ka ah oo ka tirsan wadamada gashaan buurta nato ayaa
ka qayb galaya dhoola tuskan iyo waliba 60 diyaaradood oo kuwa qaada madaxyada nuclear-ka
oo uu leeyahay dalka maraykanku. dhoola tuskani waxa uu soconayaa ilaa laba todobaad.
ruushka ayaa isna sameeyey dhankiisa dhoola tus kan la mida .
madaxweynaha shiinaha ayaa isna booqday xarumihiisa lagu sameeyo gantaalada waxaanu amray
in ay heegan galaan ciidankiisu una diyaar garoobaan suurta galnimada weerar adag oo soo wajaha.
kuuriyada waqooyi ayaa iyadna 12,000 oo askari udirtay wadanka ruushka, ma waxay ka qayb gali
doonan dagaalka kasocda ukraine mise mise madaxweynahooda kim-jon un ayey ilaalo gaara unoqon
doonan waata la is waydiinayo.
sidoo kale waxa la sheega in ay todobadadii udambeeyey ay is hayeen kuuriyada koonfureed
taasi oo gaadhsiisay in ay kuuriyada waqooyi qarxiyaan deeganadii ku yaalay dhinaca xadka.
kuuriyada waqooyina waxa loogu hanjabay in ay hogaankooda oo ah kimjon un ay dili doonan
hanjabadaasi oo katimid kuuriyada koonfureed oo tidhi daaqada ayaanu kasaari doonaa hogaankiina.