5 things that make the skin look old.

 


5 shay oo maqaarka ka dhiga mid waayeela .

iska jooji shantan shay ee wajigaaga ka dhigaya mid duqa oo soo dadajiya wejiga oo noqda sidii qof waayeela

oo aad ueegaato da' aanad wali gaadhin waxa laga yaabaa adigaagan akhrisanaya maqaalkan inaad maalin walba 

isticmaasho kaasi maqaarkaaga ukeenaya dhibaato hor leh, sidoo kale waxa laga yaabaa inaad in badan aad utagto 

meelaha maqaarka lagu hagaajiyo si uu wajigaagu ugu soo noqdo dhaldhalaalkii aad markii hore aad sida dabiiciga ah 

aad u lahayd sida aad da'da wajigaaga kasoo baxday aad uga yaraado laakinse ay waxyaabahaasi waxba kaa taraynin sababta 

oo ah dhibaatadu waxay ka timid waxyaabo aad si dabiici ah aad u

isticmaasho oo aanad is odhan wajigaaga ayey badalayaan. 

meesha u horeeya ay dadku wax ku qimeeyaan waa wajigaagaa oo aad adiguba iska aragtid marka u horaysa in maqaarkaagi uu noqday 

mid waayeel sababta oo ah  si kasta oo aad utagto meelaha maqaarka lagu hagaajiyo waxba kaama badalayaan sababta oo ah iyagaaba

kimikooyin ah maqaarka sii dila markaasi waxa kula wanaagsan inaad udaawayso maqaarkaaga si dabiici ah oo aad iska dhaafto kimikooyinkan

maqaarka sii dilaya isla markaana maqaarkaagu kusoo noqdo mid sidii hore ee uu udhalaali jirey udhalaala umana baahnid inaad 

wax kimikooyina aad marsatid waxaana ka mida :-

1 = cabitaanka sigaarka iyo xashiishada kuwani waxa la ogaaday in cabistoodu reseach la sameeyey in ay yihiin ashyaada u horaysa 

ee qofka uhorseeda inuu wajigiisu noqdo mid waayeela maadaama oo ay ku jiraan maadooyin sun ah kuwaasi oo isla markiiba weeraraya 

xididada maqaarka ugaydiya biyaha oo ay halkaasi ku dilayaan.

2 = in aanad cabin maalinkii biyo kugu filancabista biyo kgu filani waxay jidhkaaga ka dhigiyaan mid jilicsan oo dhalaalaya 

waxa la ogaaday dadka biyo cabkoodu yar yahay in ay yihiin kuwa markaaba wajigoodu u eekaado mid waayeela sababta oo ah biyuhu 

waxay jidhka ka dhigaan mid jilcoon islamrkaana qurxoon, dadka kaa biyo cab badani markasta way kaa maqaar jilicsan yhiin kaana 

maqaar qurux badan yihiin .

3 = inaad cunto cuntooyinka macmacaanku ubadan yahay sida xalwo , buskud iyo inaad cabto biyahan aad sonkortu ugu badan tahay sida faantada

iyo kookaha  sidoo kae inaad cunto cuntooyinka aadka ushiilan ee makhaayada lagu sameeyo sida jabiska , beegarka iyo chickenka la shiilo

islamarkaana aad malin walba aad lacag ku bixiso sidoo kalena aad maqaarkaaga lacag ku bixiso cuntooyinkani waxay dilaan maqaarkaga.

4 = shayga afaraad ee maqaarkaaga dila ayaa ah in ay qorax farabadani kugu dhacday sax qoraxda ayaa ah mid laga helo fitamiin D lakinse 24saacadood

qoraxdu ma aha mid faa'ido laga wada helo waxayna faa'ido leedahay wixii ka horeeya 10:00 subaxnimo iyo wixii ka dambeeya 04:00 galinka dambe

intii saacadahaa u dhaxaysa hadii uu jidhkaagu qorax badani ku dhacdo waxa uu maqaarkaagu luminayaa biyo badan taasi oo keenta inuu maqaarkaagu 

noqdo mid waayeel oo kale .

5 = stresska faraha badan ee ku haya ayaa isaguna door wayn ka ciyaara in uu maqaarkaagu noqdo mid waayeel sidoo kalena si guud u waxyeeleeya jidhkaaga

markaa wax lagaa rabaa inaad adigu si nafsiyana iskaga daawayso stresska inaad is ilawsiiso inaad murugsan tahay sidoo kale aad soo socsocoto aadna biyo 

badan cabto sidoo kale waxa stresska daaweeya digriga ilaahay oo isku day markasta oo arin yar oo culusi ku qabsato inaad ilahay xuskiisa aad badiso, waxa fiican

inaad stresska sida kuugu fiican aad ula tacaasho si kor ugu kaco caafimaadkaaga guud siiba maqaarkaagu.


waxaan rajaynayaa inaad macluumaadkan aad aadiyo aad iga faa'idaysatay waxaanan jeclaan lahaa inaad lawadaagto asxaabtaada mahadsanid.....

Post a Comment

Previous Post Next Post