kooxda real madrid ayaa lacag walba ku bixinaysa helida xidaga Trent Alexander-Arnold

ancelotti
 sida lagui sheegay ee laga soo dhiraandhiriyey wargayska Football Insider, coach-ka kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa xiiseynaya inuu u dhaqaaqo soo xero gelinta ciyaartoyga daafaca baasha midig ee kooxda Liverpool, Trent Alexander-Arnold.

26jirkan ayaa galay sanadkii ugu dambeeyay heshiiskiisa Anfield, waxaana mustaqbalkiisa fog ee kooxda uu yahay mid aan la hubin.

Xiddigan u ciyaara xulka England ayaan weli ku dhawaaqin inuu heshiis cusub la gaaro kooxda Premier League ah waqtigan ah, taasoo albaabka u furtay inuu u jihaysto kooxda La Liga ee Real Madrid.

real madrid ayaa fursad weyn u aragta inuu ka dhamaado heshiiska xili ciyaaredka uu la galay kooxda uu hada jooge ee liverpool.

Sida lagu sheegay warbixinta, tababaraha kooxda Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa ka mid ahaa taageerayaasha xidigan difaaca kooxda Liverpool tan iyo markii uu tababare ka ahaa kooxda Everton.


Tababaraha Talyaaniga wuxuu doonayaa inuu Alexander-Arnold ka dhigo saxiixiisa cusub ee Galactico, isagoo ku daraya ciyaartoyda cusub ee yimid kooxda sida Kylian Mbappe iyo Jude Bellingham xilliyadii hore ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda .

Dhaawaca muddada dheer ee ciyaaryahanka Dani Carvajal ayaa ka dhigtay saxiixa difaaca cusub oo midig muhiim ah, iyadoo Alexander-Arnold uu yahay xulaha ugu fiican ee Real Madrid.

Xiisaha Real Madrid ee Alexander-Arnold ma aha mid cusub, maadaama Los Blancos ay muddo dheer ku raad joogeen helida xiddiga Premier League-ga.

trendo

liverpool waxay isku diyaarinayaan xaalad adag haddii difaacooga midig uu go’aansado inuu ka tago kooxda.

Ma jirto wax dammaanad ah oo muujinaysa in xiddiga Liverpool uu sii joogayo kooxda, maadaama xiisaha uga imaanaya kooxda reer Spain ee real madrid ay adkaan karto in la iska diido, sida horey u qabsatay ciyaartoy badan oo Premier League-ga ka tirsan.

Billowga bisha january , difaaca ayaa awoodi doona inuu heshiis hordhac ah la galo kooxda uu doonayo, taasoo Liverpool ku adkaan doonta si ay u sii hayaan ciyaaryahankabaasha difaaca uga ciyaara .

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez iyo tababare Ancelotti ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqaan difaaca Ingiriiska, waxayna inta badan helaan waxa ay doonayaan xilliyada suuqa kala iibsiga ciyaartowda .

Mustaqbalka 26-jirkan ayaa noqon doona mawduuc xiiso leh oo warbaahintu ay ka hadli doonto, waxaana toddobaad kasta gudba, Liverpool ay sii kordhin doontaa walaaceeda ah inay sii haysato ciyaaryahankan uga ciyaara baasha midig ee difaac.

Post a Comment

Previous Post Next Post