10 foods that have more benefits.

 

10ka cunto oo kordhiya dhaldhalaalka jidhka.

  wali ma isticmaashay waxyaabaha loo adeegsado qurxinta maqaar oo kharash badan maku bixisay ,imika waa wakhtigii kuugu haboonaa ee aad joojin lahayd waxyaabahaaso aan 

waxtarka kuu lahayn waxyeelo mooyee.

aadna bilaabi lahayd cunto aad qaadanayso maqaar kaagana siinaya qurux iyo caafimaad.

Qoramadan waxaynu kaga hadli doonaa 10 cunto oo aanu is leenahay

jidhka bani'aadamka ayey wax ka badali doontaa 

1 = BARBAROONIGA GUDUUDAN : noocan cuntada ah waxa la isticmaala

isaga oo karsan iyo isagoon karsanaynba waxaana 100% laga helaa

vitamin C, sidoo kale waxa ku jira xaddi badan oo viberka cuntada

ku jira , vitamin B6 iyo sodoo kale wuxu qanni ku yahay maadada 

loo yaqaan kaarotaynayd oo ka hortagta inuu naqaarkaagu duuduubmo

waxaanu siyaadiyaa wareega dhiiga uu maqaarka ku imanayo taasina 

waxay dhalisaa inuu maqaarku yeesho dhaldhalaal iyo mid aad

uqurux badan.

sidoo kale waxa uu babaroonga casi la dagaalamaa finanka wejiga

kasoo baxa ee loo yaqaano fin-doobka..

2 = JUKULAADADA MADOW {black chukelate} :shukulaaadad madow waxay 

qanni ku tahay anti-oxidance iyo fatty acids oo xoojinaya koritaanka

maqaarka jidhka bani'aadamka anti-oxidance ku jirra shukulaadada

madow waxa uu ka hortagaa qalaylka maqaarka waxaanu ka hortagaa

in ay waxyeelo kaasoo gaadho dhanka qoraxda.

shukulaadada madow waxy kordhisaa wareega dhiiga taasi oo keenaysa

inaad hesho maqaar fayow oo bad-qaba.

3 = KALUUNKA SAALMOON : waa cuntada ugu fiican ladagaalanka war-warka

cabsida iyo isku-buuqa waxaanu jidhka siiya baahida vitamin D

waxaanu ka hortagaa kansarka ku dhaca mindhicirka weyn {cancer of large

intestine}, cudurada wadnaha, iyo lafaha .

kaluunkan noocan ah waxa ka buuxa dufanka loo yaqaano OMEGA3 oo aad 

ugu fiican ladagaalanka maqaarka duuduubma sidoo klena fiin-doobka cunista

noocan kaluunka ahi waxauu madaxaaga ka dhigayaa mid nafaqaysan.

4 = SALIIDA QUMBAHA : waxa ay kamid tahay ilaha ugu qanisan ee laga helo

saliidaha nooca loo yaqaano { satroitic oils } waxa sidoo kale ku jira

{ lurack acid } oo ladagaalama bakteeriyada iyo fayraska sidoo kale waxay

saliidani qani ku tahay aashatooyin badan oo aasaasi u ah vitamin D da

iyo waxyaabo kale waxanay si  heersare ah kor ugu qaadaan wareega dhiiga      

waxaanay qanjidhka dhuunta ku yaal ee loo yaqaan { thiarot } ka caawiyaan 

hoos udhigida miisaanka jidhka.

5 = SHAAHA CAGAARAN : shaahani waxa uu leeyahy anti-viruska iyo amino-aicdka 

loo yaqaano { lithanin } oo dabciya jidhka isla markaana yareeya wer-werka 

marka uu shaahu kulul yahay waxa uu inta badan siidaaya noocyo badan oo kamida

anti-oxideska kaasi oo lacadeeyey in uu ka hortago kansarka, sidoo kale shaaha 

cagaarani waxauu yareeya halista iyo inuu kor ukaca qofka dhiigarkiisu.

6 = KOOSTADA : koostadu waxay leedahay nafaqooyin badan oo muhiim uah oo ay

maalin walba ubaahan yahay jidhka bani'aadamku waxaana laga helaa macdano badan 

oo ay ka mid yihiin folick acid ,magnesium ,viber ,vitamin E , vitamin A , protein,

iyo vitamino kale waxay si gaara ucawisaa maqaarka waxaana ku jira anti-oxides

la dagaalama dhamaan waxyeelooynka ku dhaca maqaarka ,

markaad koostada cuntid waxad nadiifinaysa jidhkaga adiga oo ka bilaabaya gudihiisa.

7 = ANSALAATADA : ansalaatadu inta badan waxba uma aaragno laakiins waxay jidhkeena 

siisaa vitamino iyo macdano badan oo ay kamid yihiin sodium,patassium ioy biyo badan

waxany ka hortagdaa qalaylka jidhka 

.

8 = CAMBE BA'BAYGA : waa khudaar cajiiba oo leh nafaqooyin badan waxaana aad ugu yar

milicda mana laha wax loo yaqaan crystarol ama { sonkorta } sidaa awgeed hadii aad 

doonayso inaad miisanka jidhkaaga dhinto isticmaal cambe ba'bayga waxa kale oo

uu aad ugu fiican yahay dheefshiidka,

waxaana laga helaa vitamin C ,vitamin E ,  iyo sidoo kale vitamino kale ayaa ku jira.

9 =KAAROOTAHA :kaarootuhu waxa uu soo celyaa nuurka indhaha sidoo kalena waxauu ufiican

yahay maqaarka bani'aadanku inuu iska nadiifyo bur-burka iyo unugyada dhintay waxaan 

laga helaa vitamino awood uleh in ay burburiyaan samaysanka unugyo siyaadada ah ee ka 

samaysma dusha sare ee maqaarka sidoo kale waxa uu yareeya unugyada kansarka.

Post a Comment

Previous Post Next Post