Cristiano Ronaldo reached 1billion followers on the social media.

 


 Cristiano Ronaldo oo gaadhay 1 bilyan oo dada baraha bulshada.

Taageerayaasha Cristiano Ronaldo ee akoonada uu ku leeyahay Baraha bulshada ayaa gaaray 1 bilyan– taas oo ka dhigaysa qofkii ugu horreeyay

ee gaara tiradaasXisaabta tiradaas ayaa ah marka la isku daro wadarta tirada taageerayaasha Instagram, Facebook, Twitter, YouTube, iyo baraha bulshada Shiinaha ee Weibo iyo Kuaishou.

kama dhigna in hal bilyan oo qof in ay ku xiranyihiin, maadaama dad badani ay kaga xiranyihiin meelo badan, qaarkood ayaa waxay noqon karaan xisaabo been abuur ah.

Si kastaba ha ahaatee khabiirka warbaahinta bulshada Paolo Pescatore, oo ka socda PP Foresight, ayaa ku tilmaamay "tira yaab leh" in warbaahinta iyo shirkaduhu ay fiiro gaar ah u yeelan doonaan."Waa guul, waxa uuna hoosta ka xariiqay isbeddelka dheeradka ah ee ka dhacaya warbaahinta."

Waxay taasi muujineysa "awoodda lagu gaari karo dhagaystayaal cusub, oo da'yara, wuxuuna u mahadcelinay tignoolajiyada", sida uu u sheegay warbaahinta.

Garoonka dhexdiisa, Ronaldo ayaa caan ku ahaa xifaaltanka kala dhaxeeyo xiddigga Lionel Messi.

Laakiin marka laga reebo, ma jirto tartan loogu jiro cidda ku guulaysaneysa tartanka baraha bulshada – Messi waxa uu haystaa 623 milyan oo taageerayaal ah,

Mr Beast, oo ah kan ugu sarreeya YouTuber-ka adduunka, ayaa leh 543milyan oo taageerayaal ah, oo inta badan loo tixgeliyo in ay leedahay tira badan oo baraha bulshada ah, ayaa dadka ku xiran ay gaarayaan rubuc ka mid ah dadka ku xiran Cristiano Ronaldo, iyada oo leh 268milyan oo 

taageerayaal ah marka la isku daro.

Ciyaartoygan kubbadda cagta ayaa ku gaaray heerkan muhiimka markii u ku biiray YouTube bishii hore, halkaas oo kanaalkiisa ay ku xirmeen 

50 milyan oo macaamiil ah muddo hal usbuuc gudihiisa.

Ilaa hadda, kanaalkan wuxuu ka kooban yahay wada sheekeysi dhexmara Ronaldo iyo xaaskiisa Georgina Rodríguez, iyo sidoo kale saaxiibkiisii hore ee Manchester United Rio Ferdinand.

Warkan ayuu ku shaaciyay qoraal uu ku faafiyay baraha bulshada ee kala duwan.

Cristiano Ronaldo ayaa waayihiisa ciyaareed sameeyay jabinta rikoorada.

Guulihiisa waxaa ka mid ah, inuu ahaa gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda Uefa Champions League, isagoo dhaliyay goolasha ugu badan 

tartanka Yurub, iyo in uu saftay kulamo caalami ah oo ka badan cid kasta oo kale.

Toddobaadkii hore waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee kubbadda cagta ah ee dhaliya 900 oo gool oo heerkoodu sarreeyo.

Si la mid ah xirfadiisa ciyaareed, waxa uu wali leeyahay awood uu ku horumariyo sidoo kale tirada warbaahinta bulshada, 

maadaama uu ka duwan yahay qaar ka mid ah kuwa ay xifaaltamo, Ronaldo kuma jira TikTok , kaasi oo ay u badantahay in ay kor uqaadi lahaayeen

tirada uu haysto hada.

Post a Comment

Previous Post Next Post